Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir balaaran oo laga yeeshay saameynta dhaqaale ee Corona

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka guddiga qaran ee xakameynta cudurka Covid-19 oo uu xalay shir guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray saameynta dhaqaale ee uu dalka ku yeeshay xanuunka oo ku sii faafayo Somalia.

Inta uu socday shirka oo ahaa mid dhanka Internet-ka ah ayaa lagu soo qaaday, sida ugu haboon ee loo wajihi karo saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Coronavirus.

“Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo.” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this