Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Shabelle: Waabari oo xalay ka adkaatay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Waabari ee gobolkaan Banaadir ayaa xalay daaqada kala baxday dhiggeeda degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka D ee wareega koowaad, tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan adag oo xiiso badan.

Sidoo kale labada degmo ayaa u dambeeyey guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Waabari oo guusha la hoyatay ayaa la timid 14 dhibcood, halka Afgooye oo dhinaca dhulka loo dhigay ay keenstay 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay Wariye Xasan Weli.

Degmada Waabari sidoo kale waxay horay barbaro  ula soo gashay dhiggeeda degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose laga soo badiyey, kadib markii ay isku beegmeen degmada Kaxda ee G/ Banaadir.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this