Deeq A. Posted May 9, 2020 Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay webiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Webiga ayaa ku fatahay tuulooyinka Buuf-Fuule, Xudur Ciise iyo Shiidle Bari oo dhammaan hoostaga degmadaasi. Sidoo kale dadka deegaanka oo ay saameysay fatahaadaasi lagu soo warramayaa inay bilaabeen in ay isaga barakacaan halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxa cabsi iyo walaac laga muujinayey fatahaada webiga Shabelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites