Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Booliska Dhuusamareeb oo is-casilay markii rag ku eedeysan Al-Shabaab xabsiga laga daayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Taliyihii ciidanka Booliiska Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, isagoo sababeeyey is-casilaadiisa.

Dhamme Burhaan Axmed oo horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda federaalka ku biiray ayaa xlkaas loo magacaabay 22-kii bishii Febraayo ee sanadkan, balse haatan ayuu isku casilay faragelin uu ka tirsanayo saraakiisha ka sareysa ee booliska Soomaaliya.

Sarkaalkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragelin cad lagu sameeyay shaqadiisa, isla markaana dad lagu eedeyey Shabaabnimo oo ku xirnaa saldhigga Dhuusamareeb oo baaritaano ku socdaan laba jeer laga fakiyey.

”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafayo, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, waxaana ninkaas markii lasii daayey loo fakiyey dhanka Cadaado” ayuu yiri Taliyaha is-casilay ee booliska magaalada Dhuusamareeb.

Taliye Burhaan ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo madaxda ka sareysa ee booliska Soomaaliya ka dalbaday in xilkan loo soo magacaabo sarkaal kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this