Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay Guddiga ka hortagga COVID-19 ee Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee maamulkaas.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda Cudurka ee dalka oo kiisas kala duwan laga helay iyo sidii Guddiga COVID-19 ee u qaabilsan Hirshabeelle u sameeyn lahayeen wacyi-gelin joogta.

Xubno ka tirsan Guddiga ayaa kulanka ka sheegay in faafida Cudurka looga hortego dadaal la sameeyo ayna dadka qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, isla markaaana si wadajir la isaga kaashado ka hortegiisa.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Cudurka uu yahay xaalad khatar oo aan la hayn daawo isagoo Guddiga COVID-19 ee Hirshabeelle kula dardaarmay in ay sidii wadaan dadaalada ka hortaga xanuunka.

Sidoo kale shacabka ayuu Madaxweyne Waare ugu baaqay in ay qaatan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta Caafimaadka, si looga hortego faafida Cudurka maadaama dalka laga diiwaan-geliyay kiisas badan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay Guddiga ka hortagga COVID-19 ee Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this