Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihi Booliiska Dhusamareeb oo shaaciyay sababta uu isu casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyihii Booliiska magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi, kadib markii sida uu sheegay u cadaadis iyo caga-juglayn kala kulmay mas’uuliyiin isaga ka sarraysay.

Dhamme. Burhaan Axmed Rooble, oo xilka loo magacaabay 20 February 2020, ayaa sheegay in uu is casilay xalay oo taariikhdu ku beegnayd 8-dii May 2020, kadib markii uu cabasho ka muujiyay cadaadis uu kala kulmay mas’uuliyiin sare oo uusan magacaabin.

Dhamme Rooble, ayaa sheegay in marar kala duwan lagu amray in uu sii daayo dad looga shakisanaa Al-shabaab iyo shabakado kale oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo mas’uuliyiin isaga ka sarraysay ay amartay sii dayntooda, islamarkaana isaga laftiisa cadaadis iyo caga-juglayn lagu sameeyay.

Sidoo kale, wuxuu si faahfaahsan u soo bandhigay dhacdooyinka kala duwan oo uu la kulmay mudadii xil-hayntiisa, kuwaas oo lagu amray in uu sii daayo dad ku eedaysan Al-shabaabnimo oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Dhuusamareeb.

PUNTLAND POST

The post Taliyihi Booliiska Dhusamareeb oo shaaciyay sababta uu isu casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this