Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhul Ay Ka Xishoodeen Afartii Madaxweyne Ee M/ Biixi Ka Horeeyay Oo Hadda La Sheegay In Cid Gaar Ahi La Wareegtay, Hadal Haynta Bulshada Iyo Xogo Cajiib Ah. “

Recommended Posts

Deeq A.   


“Isgoyskii ku yaalay Xafiiska UCID Hortiisa oo daar cid gaar ahi leedahay laga taagay iyo Isgoyska Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa Dhinac Galbeed kaga qabsan oo Miiska Saaran.

Xoggo soo baxaya ayaa tibaaxay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay damacsantahay inay shaqsiyaad ku dhaxal wareejiyso dhul uu leeyahay cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa,kaasi oo ah barxada dhinaca galbeed kaga xigta Cisbitaalka qaybta dhimarka,waxaana la sheegay in shaqsiyaad Ganacsato ahi ay ku geef wareegayeen maalmihii ugu dambeeyey.

Xoggaha aanu ka hellayno illo wareegayo u dhuuman daloola ayaa xusay in dadkii ku Ganacsanayey goobtaas oo Dan yar ahaa in laga raray maalmihii ina dhaafay,taasi oo muujinaysa in ay xukuumadda Biixi ay u sii baraxayso shaqsiyaad ay dan gaar ah ka leedahay,kuwaas oo ay hantida Qaranka ku maamuusayso,iyadoo at xusid muddan tahay inuu u baahan yahay dhulkaas dhakhtarka weyn ee Hargeysa.

Dhanka kale Marxuum Madaxweyne Cigaal,Marxuum Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur Iyo Madaxweyne Riyaale ilaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka xishooday inay dhulkaas ay cid gaar ah ay hadyad u siyaan,haseyeeshee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda mid dhulkaas cid gaar ah ku casuumaya dhulkaas

Geesta Kale Xukuumadda Biixi ayaa dhawaan ku wareejisay shaqsi ay isku beel yihiin Madaxweynaha barxada isgoyska xaafiiska Guud ee xisbiga UCID ee Hargeysa,kaas oo lagu magacaabo khadar isagoo halkaas la dhistay guri,bale xoggoha qaar ayaa sheegay in dhismahaas uu leeyahay Madaxweyne Biixi ,haseyeeshee uu food saaro ka dhiganayo wiilka lagu magacaabo khadar ee uu adeerka u yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this