Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir hore oo si weyn ugu dhawaa Meles Zenawi oo maxkamadi xukun ku riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir hore oo si weyn ugu dhawaa Meles Zenawi oo maxkamadi xukun ku riday

simon-300x168.jpg

Maxkmad ku taalla magaalada Bahirdar ee waqooyiga Itoobiya ayaa maanta xukun ku riday wasiirkii hore ee warfaafinta dalkaas Bereket Simon oo si weyn ugu dhawaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Maxkamadda ayaa ku riday lix sanno oo xadhig ah.

Bereket ayaa la xidhay bishii January ee sannadkii 2019 xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa, waxaa uu ku xidhnaa magaalada Bahirdar, waxaana loo heystay fadeexad musuq maasuq.

Wuxuu ahaa nin awood leh oo ay ka go’do talada xisbiga ka arrimiyo Itoobiya, wuxuu kusoo dhexjiray xisbiga EPRDF tan iyo horraantii sagaashamaadkii.

Qaar kamid ah taageerayaashiisu waxay sheegeen in maxkamadeyntiisa la siyaasadeeyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this