Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgaradka deegaanka Soomaalida oo taageeray hadal kasoo baxay Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxgaradka deegaanka Soomaalida oo taageeray hadal kasoo baxay Abiy Axmed

abiy-2-300x168.jpg
 Waxgaradka deegaanka Soomaalida waxay taageereen hadalka Ra’iisul wasaaraha

Ugaasyada, Salaaddiinta, Aqoonyahannada, Odayaasha, iyo waxgaradka deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa taageeray hadal ra’isal wasaaraha shalay ka soo baxay oo ahaa in uu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo dastuurka dalkaas ka hor imaado.

Waxayna sheegeen iney tageerayaan doorshada guud ee dalka ka dhici lahayd ee dib loo dhigay Coronavirus awgii si shacabka caafimaadkiisa wax weliba looga hormariyo.

Odayaasha oo u warramay talefishiinka qaranka dalka Itoobiya waxay sheegeen doorashada dib uu dhigisteeda iney sax tahay isla markaana caafimaadka wax weliba ka horreeyo.

Cid kasta oo dooneyso doorashada dib loo dhigay iney iskeed u qabsatana ay tahay cadow umadda reer itoobiya ku soo duushay oo u baahana in dhinac looga soo wada jeesto.

Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli deegaanka Tigreega ay maalma ka hor uu sheegay inuu doorasha iskii u qabsanayo, iyada Dr Abiyna uu sheegay cid kasta oo sharciga ku xadgudubto inuu tallaabba ka qaadayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this