Deeq A. Posted May 8, 2020 Iyadoo shalay barakacayaasha ku nool degmada Dharkenley ay ka hadleen xaaladdooda nololeed ayaa isla maanta waxaa dhacday in la leexsado gargaar loogu talagalay sida ay sheegeen dad deegaanka oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle. Mustaf Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degmadaasi ayaa sheegay in uu goobjoog u ahaa dhacdadaan maanta ka dhacday xerada Badbaado 1, waxaana uu tilmaamay in raashinkii loogu talagalay dadkaasi danta yar gawaari lagu daabushay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey falkaasi inay geysteen maamulka Dharkenley oo uu Hormuud u yahay guddoomiyaha degmadaaasi. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, isagoona ka dalbaday in laga warqabo dadkaasi la dudsiiyey xuquuqdooda. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-dharkenley.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites