Deeq A. Posted May 8, 2020 Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacbka ku nool magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay ku soo wajahan yihiin xaalado adag oo ka dhalan kara fatahaad laga cabsi qabo inuu wabiga Shabelle ka sameeyo xaafado ka tirsan gudaha magaalaadaasi. Jeesow ayaa tilmaamay inay haatan socdaan dadaalo xooggan oo looga hortagayo fatahaadaasi, kuwaas oo ay wadaan maamulka gobolka iyo shacabka Beledweyne. Sidoo kale wuxuu dowladda federaalka ka dalbaday in laga war qabo xaaladda magaaladaasi oo marar uu sameeyen ku yeeshay webiga Shabelle. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-turki-xildhibaan-jeesow.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites