Sign in to follow this  
Deeq A.

Waabari iyo Afgooye oo caawa ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo caawa galaya habeenkiisii 16-aad ayaa waxaa isaga hor imaan doono  Waabari iyo Afgooye oo kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir & Sh/Hoose.

Labada degmo oo sidoo kale ku wada jira group ka D ayaa u dambeeya guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waabari ayaa horay barbar dhac ula soo gashay dhiggeeda degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose laga soo badiyey, kadib markii ay isku beegmeen degmada Kaxda ee gobolkaan Banaadir.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this