Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar ah oo kunool gobolka Banaadir.

Recommended Posts

Deeq A.   

140 haween danyar ah ayaa kafaa’ideesatay deeq lacageed oo hay’ada Hormuud foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeebinayay deeqdan oo ka dhacday xarunta dhalin yarada gabolka Banaadir ay soo qabanqaabisay gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab

Ugu horeyn Jawaahir Baarqab, ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank uga mahadcelisay deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyay haweenka danta yar , waxaana ay sheegtay in haweenkan ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii uu sameeyay caabuqa Covid-19.

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa tilmaantay in haweenkan danta yar ay isugu jiraan kuwa haysta caruur agoon ah, kuwo baahiyaha gaarka ah qaba oo lagasoo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo ku tilmaantay shirkada Hormuud in ay tahay halbowlaha ama udub dhexaadka bulshada Soomaaliyeed.

Madaxa hay’ada Hormuud foundation iyo Salaam Bank Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamij lagu kaalmeynayo dadka danta yar kaasoo mudo ay soo wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyadoo laga duulayo shaqa la’aanta ka dhalatay Covid-19 deeqdaan ay soo gaarsiiyeen haweenkan danta yar.

Haweenka danta yar ee maanta loo qeeybiyay deeqda lacagta ah ayaa u mahceliyay Hormuud Foundation iyo Salaam Bank iyagoo tilmaamay in xiligii ay u baahnaayeen in lasoo gaarsiiyo iyagoo hadalo ubadan duco ujeediyay muxsiniintii soo gaarsiisay gargaarka.

Dhinaca kale Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in shirkada Hormuud ay gacan ka geysanayso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka Covid-19 iyada oo sidoo kale ambalaasyo ay ku deeqi doonaan Isbitaalka Martini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maalin kasta Hormuud Foundation iyo Salaam bank ay kaqeyb qaataan afurinta dad badan isaga oo sheegay in lacag gaaraysa 10,000 oo doolarka Mareykanka lagu afuriyo dad aad ufara badan oo dan yar ah.

Barnaamijka lagu taakulaynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay kawadeen gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho iyadoo ay kafaa’iideesteen dad aad ufara badan waxaana madaxda hay’ada ay balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax uqabashada dadka danta yar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this