Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo amar siiyay Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19 oo xalay ka qabsoomay isgaarsiinta Internet-ka, ayaa waxaa Shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali khayre,iyada oo looga hadlay qodobo dhowr sh.

Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska Karoona.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray Xubnaha Guddiga in ay badiyaan wacyigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay yeesheen kulan joogto ah,kaas oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaas oo qaarkood aan weli dhaqan gelin.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amar siiyay Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this