Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan qaar ka mid ah Soomaalida cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey UK

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog ku saabsan qaar ka mid ah Soomaalida cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey UK

Soomalaida

Kumanaan kun oo qof ayaa dalka UK ugu geeriyooday cudurka Covid19, waxaana dadkaasi ka mid ah ku dhowaad 40 qof oo Soomaali ah. Waxay isagu jiraan da’ kasta – waayeel iyo carruur – kana mid ahaa qaybaha bulshada.

Tiro koobkii ugu dambeeyey ee laga sameeyey UK 2011, wuxuu muujinaya in Soomaalida degan UK ay yihiin 108,000, laakiin haddii la tirko koobo dadka British-ka ah ama dalalka kale ee reer Yurub dhalashooda haysta ee UK ku nool waxay tiradaasi noqon kartaa in ka badan 300,000.

Xog ururrintii u dambeysay ee Dawladda UK ka soo baxday ayaa muujinaysa in dadka madow iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka kale ee laga badan yahay ay dalkeeda ka yihiin 14% tirada guud ee bulshada, haddana macluumaadka caafimaadka ayaa tilmaamaya in dadka u geeriyooday iyo kuwa uu sida xun ugu dhacay cudurka Covid19 ay yihiin 34% dadka la isku yiraahdo BAME ama bulshooyinka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Soomaalida oo ka mid ah bulshooyinkaas ayuu cudurka saameyn ku yeeshay. Dad badan oo Soomalai ah ayaa u dhintay balse waxaan halkan ku soo koobeynaa qaar ka mid ah, Allaha u naxariistee, Soomaalidii ku dhintay

Nuur Cadde

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), ayaa Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009.

Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii, waxaana 1-dii April 2020 uu ugu geeriyodeey Isbitaal ku yaal magaalada London cudurka Covid19.

Nuur Cadde, Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dadka Soomalaida ee UK ugu dhintay coronavirusNuur Cadde, Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dadka Soomalaida ee UK ugu dhintay coronavirus

Nuur Cade ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dawladdii wadaaga aheyd ee uu qaybta ka ahaa Isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea.

Nuur ka hor intii aanu siyaasadda ku biirin wuxuu soo noqday ciidamadda Booliiska, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed.

Xudeydi

Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”.

Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray.

Xudeydi wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiisteXudeydi wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste

Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay.

Xudeydi ka sakow kamanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu gacan siiyey xornimo doonkii Jabuuti.

Biriq

Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya, una ciyaari jiray naadigii Batroolka, ka hor intii aanu u soo guurin Ingiriiska oo uu soo galay 1992-kii.

Biriq wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sanadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa laacibiintii gobolka Hiiraan u matali jiray ciyaaraha gobollada.

Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa SoomaaliyaCabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya

Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya.

In muddo ahba, Biriq wuxuu laanta af-Soomaaliga ee BBC-da kala qayb gali jiray barnaamijyada falanqeynta cayaaraha sida tebinta tooska ah.

Waxaa kale oo uu ku lahaa mehrad ganacsi xaafadda Harlesden ee degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada London.

Wuxuu ahaa shakhsi aad uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee London oo uu xubin firfircoon ka ahaa.

Baana Cali

Injineer Baana Cabdalla Cali wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya, isla markaana udub dhexaad u ahaa dib u soo nooleynta kubadda koleyga Soomaaliya.

Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo suuqeynta ee xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya.

.Baana Cali

Waxaa kale oo uu xubin ka ahaa xiriirka ciyaaraha basketball-ka Afrika.

Baana Cabdalla marka laga tago kubadda koleyga wuxuu xubin firfircoon ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee UK.

Wuxuu cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey London 28-kii April.

Baana Cali oo shahaadada Injineeriyada ka qaatay Jaamacad ku taalla London ayaa sidoo kale u shaqeyn jiray waaxda gaadiidka London, gaar ahaan qaybta tareennada.

Khadiija Baar-cad

Khadiija Maxamed Cali Kaar waxay aheyd 60 sano jir, waxaa ay iyada caruurteedu deganayeen dalka Sweden, hase yeeshee magaalada London oo ay ku nool yihiin qoyskeeda ayay booqasho ku joogtay, ka hor intii aanu ku dhicin cudurka Covid19.

KhadiijaKhadiija Maxamed Cali Kaar waxay aheyd 60 sano jir,

Khadiija oo qabtay xanuun xagga wadnaha markii uu cudurku ku dhacay waxay ka biyo diiday inay tagto Isbitaal, iyadoo ka qabtay walwal in ay ku dhimato Isbitaalka iyadoo aanay la joogin qoyskeeda, sida uu noo sheegay walaalkeed Cabdalla Maxamed Cali Kaar (Cabdalla Nairobi).

Ismaaciil

Ismaaciil Maxamed Cabdiwahaab wuxuu ahaa ardey 13 sano jir ah, wuxuuna 30-kii March 2020 Covid-19 ugu geeiryooday magaalada London, isagoo noqday xilligii dhimashadiisa qofkii ugu da’da yaraa ee cudurka ugu geeriyoodey UK.

Ismaaciil oo deganaa xaafadda Brixton ayaan qabin wax cudur ah sida qoyskiisu ay sheegeen taasi oo meesha ka saartay in fayraska Corona uu Khatar ku yahay dadka waayeelka ah ee qaba cuduradda oo kaliya.

Bog Internet oo dhaqaale ururin ah oo ay walaashiis sameysay oo yoolku ahaa in loo ururiyo $4,944 doolar ayaa maalmo gudahood loogu uruuriyey in ka badan $60 kun oo doolar.

Ismaaciil wuxuu ku geeriyoodey Isbitaalka King College London oo ah Isbitaalkii uu ku geeriyoodey Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade).

A mourner watches as the coffin is lowered into the ground during the funeral in the Eternal Gardens Muslim Burial Ground, Chislehurst of Ismail Mohamed AbdulwahabWaxaa lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee Eternal Gardens

Maxamed Maki

Maxamed Xaaji Maki wuxuu ahaa 49 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku geeriyoodey Isbitaalka Middlesex ee waqooyiga London, halkaasi oo uu ku ku jiray miyir doonsanaan muddo ku dhow afar todobaad.

Maxamed MakiMaxamed Maki

Muniir Maki oo uu dhalay marxuum Maki ayaa u sheegay BBC in aabihiis uu ahaa shakhsi aad Soomaalidu u taqaannay, waqooyiga iyo guud ahaan magaalada London, taasi oo ay ugu wacneyd farsamadiisa gacanta ee guryaha iyo goobaha ganacsiga.

Muniir wuxuu sheegay in aabihiis uu sidoo kale caan ku ahaa arrimaha bulshada Soomaalida, isagoo ka qayb qaadan jirey gurmadka masaajidyada, dhismaha masaajidyada, caawinta bulshada iyo arrimaha Jaaliyadda Soomaalida.

A prayer is said at the funeral in Chislehurst of Ismail Mohamed Abdulwahab, 13, from Brixton, south London,Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin

“Aabahey maalintii uu dhintay illaa iyo hadda dad ayaa na soo wacaya oo leh lacag ayuu igu lahaa, shaqo ayuu ii qabtay oo lacagteedii ma siin, taasi waxay muujinaysaa in uu ahaa shakhsi dadka aan ku dhibi jirin lacag haddii aanay haysan” ayuu yiri Muniir.

Maxamed Maki wuxuu ka tagay 8 caruur ah iyo xaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this