Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo si lama filaan ah u saxeexday warqad ka timid urur Yahuudi ah oo ka dhan ah dal Islaami ah 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhaan Cumar oo si lama filaan ah u saxiixday warqad ka timid urur Yahuudi ah oo ka dhan ah dal Islaami ah

ilhan.jpg

Ilhaan Cumar, oo lagu yaqaan inay si adag u dhaleecayso siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka ee ku wajahan Iran iyo Guddiga u ololeeya Israel ee AIPAC, ayaa ka yaabisay tageereyaasheeda kadib markii shaaca laga qaaday in ay saxiixday warqad Washington ugu baaqaysa in ay cusbooneeysiiyo cuna-qabateynta saaran Iran.

Kooxda u ololeysa Israel ee magacooda loo soo gaabiyo AIPAC waxaa lagu yaqaaqaana in ay yihiin tan ugu weyn ee naqshadeysa siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Bariga Shexe, waxaaana si joogto ah loogu cambaareeyay in ay saameyn aan habooneyn ku yeesheen siyaasadda Maraykanka ee gobolka.

Waxa la yaabka ka dhigay saxiixa Ilhaan Cumar, oo sidoo kale ay saxiixeen 391 xubnood oo ay aqalka ka wada tirsanyihiin, ayaa ah in Ilhan qudheeda ay kol hore si xooggan cambaareeysay AIPAC.

Waxa sidoo kale xiisaha u yeelaya ayaa ah in Ilhaan Cumar ay dooratay in ay ka leexato xubno kale oo ka tirsan Congress-ka sida Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo la sheegay in aysan warqada saxiixin.

Warqadda waxaa gadaal ka riixayay gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka Eliot Engel iyo Mike McCaul oo Jamhuuriga ka tirsan, waxayna ugu baaqaysaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo “in uu kordhiyo cuna-qabateynta si Iran looga ilaaliyo in ay hub iibsato iyo in ay iska iibiso.”

Markii ugu horeeysay go’aanka Ilhaan Cumar waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Al-Monitor 4-tii May, warbixintaas oo ay durbadiiba faafiyeen warbaahinta Israel.

Bryant Harris oo ka tirsan Al-Monitor ayaa kasoo xigtay war kasoo baxay xafiska Ilhaan Cumar “Xildhibaan Ilhaan waxay si joogto ah, muddo dheerba, u taageeri jirtay cuna-qabateynta hubka ee ka dhanka ah kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha.”

“Ma jirto sharaxaad u qalanta oo uu bixiyay xafiiska Ilhaan, ama caqli ahaan u qalanta go’aankaan ceebta ah” ayuu yiri suxufi Falastiin u dhashay oo lagu magacaabo Ramzy Baroud, tifatire na ka ah wargeyska The Palestine Chronicle.

“Ilhaan Cumar aaminaadda waxay ku heshay awoodda ay u leedahay in ay caqliga iyo dareenka wanaagsan u bandhigto siyaasaha Maraykanka ayna soo jeediso doodo cusub oo siyaasadeed oo ku wajahan siyasadda arrimaha dibadda Mareykanka, si gesinimo leha” ayuu yiri Baroud.

Bishii January, Ilhaan Cumar waxay soo jeedisay qaraar ujeedkiisu ahaa in la hor istaago in Maraykanku uu awood militari u adeegsado Iran isaga oo aan ogolaansho ka heysan Congress-ka. Talaabadaas waxaa dhiiri geliyay shirqoolkii Maraykanku ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan militari-ga Iran, Gen. Qassem Soleimani.

“Dilkii Qasem Soleimani waxaa uu ahaa ficil dagaal oo aan fasax ka ahaysan Congress-ka, xadgudubna ku ah dastuurka Maraykanka. Congress- ahaan waa in aan qaadanaa waajibkeena dastuuriga ah, aanna awooda u adeegsanno in aan joojino dagaal musiibo ah,” ayey Ilhaan ku sheegtay war soo saartay 5-tii January.

Ma cadda in Ilhaan Cumar ay hadda kadib ka tanaasuli doonto booska ay ka taagantahay Ssyaasadaha Maraykanka iyo in kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this