Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka mid ah golaha wasiiradda Puntland oo laga helay cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   
Xubno ka mid ah golaha wasiiradda Puntland oo laga helay cudurka Coronavirus
sharethis sharing button
 202057637244627949920011.jpg

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in labo Xubno ka mid ah Golaha wasiiradda Puntland laga helay Covid-19.

Labadaan xubnood ayaa qeyb ka ah sideed qof oo maanta laga helay cudurka ka dib markii baahditaan lagu sameeyay 22 Qof.

Wasiirka caafimaadku ma shaacin xog intaas ka badan oo ku saabsan wasiiradda laga helay cudurka Covid19, balse wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Dadka helay cudurka ayaa 4 kamid ah laga diiwaan galiyay magaalada Qardho. Gaalkacyo ayaa labo xaaladood laga helay halka labada kalena laga helay Garowe.

Wasiirka caafimaadka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dad badan oo lagu arkay calaamadaha Covid19 ay ku dhinteen Bosaso iyo meelo kale iyagoo aan wax baadhitaan ah marin.

Tirada guud ee dadka qaba cudurka Coronavirus ayaa gaadhtay 59, halka dhimashadu marayso labo qof.

Qofkii labaad ayaa maanta u geeriyooday cudurka, wuxuuna ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Puntland ee Gobolka Nugaal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this