Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo guddoomiyey shirka guddiga xakameynta Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka fogaan-aragga guddiga Qaran ee xakameynta Coronavirus.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii loo xoojin lahaa dadaallada ay xukuumadda federaalka uga hortageyso Covid-19 oo haatan ku sii faafayo guud ahaan dalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaday sidii loo ballaarin lahaa wacyi-gelinta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska.

“Shirka fogaan-aragga ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Hassan Ali Khaire ayaa looga hadlay ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Khayre.

Tirada Covid-19 ee Soomaaliya ayaa ku dhow 1000 qof, waxaana ay sii cagacageyneysaa 928 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this