Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad adag oo soo wajahday maxaabiista xabsiga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xaalado bani’aadanimo ay ku haysato gudaha xabsigaasi.

Maxaabiista aan la hadalnay ayaa tilmaamay in aysan jirin wax daryeel ah oo ay ka helaan maamulka xabsiga dhexe.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in qaar ka mid ah Maxaabiista ay la-daala dhacayaan xanuuno kala duwan, iyagoona ka codsaday DF inay il gaar ah ku soo fiiriso.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku jira Maxaabiis fara badan, kuwaas oo ku eedeysan fal-dambiyeedyo kala duwan, waxaana hadalkooda uu ku soo aadayaa, xilli uu haatan Soomaaliya fara ba’an ku hayo cudurka saf-marka ah ee dunida saameeyey Covid-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this