Deeq A. Posted May 8, 2020 Degmada Kaxda iyo degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay isaga hor yimid tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Labada degmo oo ku wada jiray groupka D ayaa sidoo kale u dambeeyey guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaxda ayaa la yimid 8 dhibcood, halka si la mid ah Hodan ay iyana keensatay 8 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuukar. Kaxda ayaa lugtii hore soo garaacday ama ka soo badisay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Hodan ayaa kulankii hore barabro la soo gashay dhiggeeda degmada Waabri, kadib markii ay la yimaadeen min 12 buundo. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites