Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii ciyaaraha Afgooye oo la toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay, Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo aha guddoomiyihii ciyaaraha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka kooxo hubeysan ay ku dhex dileen masjid ku yaalla magaalada Afgooye, isaga oo ku dukanayey Salaada Taraawiixda.

Raggii ka dambeeyey toogashada ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen falka ka dib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Marxuum Gaatamow oo muddo ku soo jiray Sport-iga ayaa sidoo kale ahaa Gool-Hayihii hore  ee xulka Kubada Cagta Qaranka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this