Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta USA oo muujisay walaaca laga qabo in Trum uu haleelay COVID19

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) Warbaahinta Mareykanka ayaa durba tabineysa inuu jiro walaac laga qabo xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump, waxaana jira shaki laga qabo inuu haleelay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Sida ay soo tabisay warbaahinta, Askari ka tirsan ciidamadda Badda Mareykanka ayaa laga helay xanuunka kadib markii dhawr jeer baaritaan lagu sameeyay, wararka la helay ayaa sheegaya in Trump uu ka carooday maadaama uu ku baraarugay wakhti dhaw.

Talafashinka CNN ayaa warbixintaan baahiyay, sidoo kale ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Hogan Gidley ayaa kiiska Askariga la wadaagay saxaafadda.

Walaaca laga qabo in Trump ayaa jira, balse waxaa sidoo kale jirta in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la marsiiyay baaritaan lagana waayay fayriska.

Dhamaadkii sanadkii hore ayey aheyd markii uu xanuunkaan ka dilaacay Shiinaha, tan iyo markaas waxaa jiray su’aalo badan oo la iska weydiiyay xaaladda caafimaad ee Trump.

Mareykanka waa wadanka ugu horreeya dhan walba saameynta xanuunka Coronavirus, in ka badan hal malyan oo ruux ayuu soo ritay xanuunka, waxaana u geeriyooday dad ku dhaw 100 kun.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this