Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog sirdoon soo shaacisay qorshe dagaal horseedi kara oo loo degay Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin sirdoon oo laga helay gudaha Shiinaha ayaa ka digeysa in Beijing ay wajaheyso mowjad cadaawad ah oo ka dhan ah dilaacista feeyruska Corona, taasi oo horseedi karta isku dhac dhex-maray Shiinaha iyo Maraykanka, xubno wax ka og warbixinta ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Warbixin ay Wasaaradda Amniga Qaranka horraantii Bishii lasoo dhaafay u jeedisay hogaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegtay, in dareen caalami ah oo ka dhan ah Shiinaha uu gaaray meeshii  ugu sarreeysay tan iyo sanadkii 1989-kii xilligaas oo fagaaraha Tiananmen dad badan lagu laayey, taasi oo Shiinaha ku dirtay caalamka.

Beijing waxay wajaheysaa dareen mowjad ah oo ka dhan Shiinaha, oo uu hogaaminayo Mareykanka, kaasi oo ka dhashay Coronavirsu, wuxuuna Shiinuhu u baahanyahay in uu diyaar garoobo iskudhac hubeysan kisii ugu xumaa oo dhexmara awoodaha dunida, sida ay sheegeen dad wax ka og qoraalka warbixinta, kuwaas oo diiday in aqoonsigooda la shaaciyo, xasaasinimadda arrintaan awgeed.

Warbixinta waxaa diyaariyey Machad Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo China Institutes of Contemporary International Relations (CICIR), waa xarun talo soo jeedin oo raacsan wasaaradda amniga Qaranka oo ah qaybta ugu sarreysa sirdoonka Shiinaha.

“Mahayo akhbaar xiriir la leh warbinxta,” ayaa lagu sheegay war uu xafiiska afhayeenka arrimaha dibadda ugu jawaabay Reuters oo wax ka weydiisay warbixinta.

Machadka warbixinta diyaariyey, waa talo soo jeediye saameyn leh kaasi oo tan iyo 1980-kii  ka dhex shaqaynayey Wasaaradda Amniga kalana taliya dowlada Shiinaha siyaasadda amniga iyo arrimaha dibadda.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa si weyn loo arkayay in uu joogo meeshii ugu hooseysay muddo tobanan sano ah, iyadoo ay kasii dareysay is aaminaad la’aanta iyo  khilaaf kasoo bilowday eedeynta Mareykanka ee ah ganacsi aan cadaalad aheyn ilaa muranka Hong Kong, Taiwan iyo Badda Koonfureed ee Shiinaha.

Maalmihii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahayay culeys dib u doorashadiisa ah, iyadoo Coronavirus uu tobanaan kun ku dilay dalka Mareykanka, dhaawacweyna u geystay dhaqalaha Mareykanka,

Madaxweyne Trump waxa uu kordhiyey eedeynta uu u jedinayo xukuumadda Beijing, waxaana uu ku hanjabay canshuuro cusub.

Sidoo kale maamulka Madaxweyne Trump waxaa uu tixgelinayaa tallaabooyinka aargoosiga ah ee la xiriira Coronavirus oo ka dhan ah Shiinaha.

Waxaa aad looga rumeysan yahay Beijing in Mareykanku uu doonayo in uu is-hortaago sare u kaca Shiinaha ee aduunka ee lagu rajo weynyahay, dhaqaalihiisuna uu kordhayo.

Warbxintu waxa ay sheegeysaa in Washington ay sare u kaca Shiinaha u aragto khatar amni iyo mid dhaqaale, isla markaana ay caqabad ku tahay Dimoqaraadiyadda reer Galbeedka, ayey sheegeen dadka u waramay Wakaladda Wararka ee Reuters.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Mareykanku uu doonayo in uu xididada u siibayo xisbiga shuuciga ee Shiinaha, isaga oo wiiqaya kalsoonidiisa dadweynaha.

“Saraakiisha Shiinaha ‘masuuliyad gaar ah’ ayaa ka saarneyd inay dadkooda iyo aduunkaba ku war geliyaan khatarta Coronavirus, maadaama ay markii ugu horreysay iyagu ogaadeen,” ayey tiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus oo ka jawaabaysay su’aal uga timid Reuters.

Iyadoo oo aan si toos ah u abaareyn qiimeynta warbixinta Shiinaha, ayey Ortagus tiri “dadaalada Beijing ay ku aamusineyso seynisyahanadda, weriyeyaasha, muwaadiniinta iyo wargelin la’aanta cudurka ayaa uga dartay khatarta xasaradaha caafimaadka.”

Warbixinta  loo sharaxay Reuters ayaa ka digtay in dareen ka dhan ah Shiinaha oo ka dhashay Coronavirus uu shidaal ku dari karo iska caabinta mashuuca maalgashiga Shiinaha ee Belt and Road infrastructure investment, Waashington-na ay kordhiso taageeradda dhaqaale iyo midda militeri ee ay siiso xulifadeeda caalamka, si loo carqaladeeyo amniga Asia.

Mar laga joogo wax ka badan 30-sano, kadib kacdoonkii Tiananmen, Mareykanka iyo dowlado badan oo reer Galbeed ah, ayaa cuno-qabateyn kusoo rogay Shiinaha, waxayna mamnuuceen in hub laga iibsado sidoo kalena teknoolajiyadda lala wadaago.

Shiinuhu waa uu awood badanyahay maalmahaan

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa horumariyay Istiraatiijiyadda Militeriga, si  uu u abuuro awood u qalabeysan inay ku guuleysato dagaalka casriga ah. Waxaa uu balaarinayaa awoodda Shiinaha ee cirka iyo badda si uu u gaaro ciidanka Mareykanka oo 70 sano heystay Asia.

War ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Shiinaya ayey ku baaqday wadashaqeyn, iyada oo sheegeysa “in quruxda iyo horumarka fadhiya ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka” uu u adeegayo danaha labada dal iyo beesha caalamka.

Warku waxaa uu intaas ku daray “erayo kasta ama ficil kasta ee dhaliyana awood  sheegasho siyaasadeed, iyada oo lagu gambanayo safmareenka Corona, lagana faa’iideysanayo is-faham waaga labada dal, ma saacideeyso iskaashiga caalamiga ah oo ka dhanka ah feyruskan safmareenka ah.

Dagaalkii Qaboobaa

Mid ka mid ah dadka aqoonta u leh warbixinta ayaa sheegay in warbixinta ay maamuleen bulshada wax garadka ah ee Shiinaha, sida tabtii Shiinaha ee “Telegramkii Novkov”, 1946-dii ayaa waxaa diray safiirkii Midowgii Soofiyeeti u fadhiyay Washington Nikolai Novikov, kaas oo sheegay khatarta dhaqaalaha Mareykanka iyo hamigiisa militeri ee dagaalkii labaad ee dunida.

Fariimtii Novikov waxay jawaab u aheyd Telegram kii uu George Nennan kasoo diray Moscow oo uu ku sheegay in Midowga Soofyeeti aysan suurta gal ka ahayn in uu reer Galbeedka Nabad kula degenaado, isla markaana ay tahay in la iska dhiciyo, oo loo is ticmaalo Istiraatiijiyadda ugu fiican.

Labada fariimoodba waxay caawiyeen in agu tilmaamo dagaalkii qaboobaa.

Mareykanku waxa uu Shiinaha ku eedeeyay in uu xadiday akhbaartii ugu horreeysay ee Viruska, kaas oo markii hore laga ogaaday bartamaha magaaladda Wuhan, ayna yareysay khatartiisa.

Beijing ayaa inkirtay inay dabooshay jiritaanka iyo faafista xanuunka Coronavirus.

Shiinuhu waxaa uu maareeyey in uu xakameeyo faafista Birus ka ee dalkiisa waxaana uu isku dayayaa in uu door hogaamineed ka qaato dagaalka uu aduunku kula jiro COVID-19.

Laakiin Shiinuhu waxaa uu wajahayaan jawaab isisoo tareysa oo kasoo bilaabaneysa cambaareyn iyo in Beijing lagula xisaabtamo doorkii ay faafinta cudurka ku lahayd.

Trump ayaa sheegay in uu jari doono maalgelintii Hey’adda Caafimaadka Aduunka, taas oo uu ku eedeeyay inay Shiinaha u xaglineeyso, waana arrin ay diiday xukuumadda Beijing.

Dowladda Australia ayaa ku baaqday baaritaan caalami ah in lagu sameeyo meeshii uu kasoo askumay feyruskan Corona iyo sida uu ku faafay.

Bishii lasoo dhaafay, Faransiiska ayaa u yeertay safiirkii Shiinaha u fadhiyay Paris, si ay uga cabato qoraal safaaradda websitekeeda lagu daabacay oo lagu cambaareeyay, sida reer Galbeedku xanuunka ula tacaalayaan.

Virusku waxa uu ku dhacay ilaa hadda 3 million oo qof aduunka oo dhan, waxaana uu  sababay inay u dhintaan dad ka badan 200,000 qof, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this