Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan go’aan u ogolaaday masaadjidada Soomaalida Canada in cod sare lagu baahiyo aadaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mississauga (Caasimada Online) – Go’aan loogu ogolaaday masaajidada Soomaalida iyo kuwa kale ee magaalo ku taalla dalka Canada, inay cod sare lagu bahaiyo aadanka, ayaa dhaliyey xiisad xooggan, iyo hanjabaad ka timid koox midigta fog ah oo dalbaneysa in laga laabto.

Magaalada Mississauga ayaa Arbacadii meel marisay mooshin si ku-meel gaar ah u ogolaanaya in Masaajidada laga reebo sharciga ilaalinta buuqa, si loogu ogolaado inay cod sare ku baahiyaan aadaanka maalinkii hal mar inta ay socota bisha Ramadan, taasi oo ku eg 23-ka May.

Ayaga oo isku dayaya inay xiisad kiciyaan, ayaa kooxda Faith Goldy ee aaminsan sarreynta dadka caddaanka waxay twitter-ka soo dhigeen in aadaanka uu astaan u yahay “halis jiritaan oo Islaamka iyo Muslimiinta ay kusoo rogayaan” Canada.

Go’aankan ayaa sidoo kale horseeday in nin uu ku xadgudbo Masjid ku yaalla magaalada Edmonton, kuna hanjabo olole bam.

Waxaa sidoo kale dhowr ka mid ah website-yada codsiyada dadweynaha lasoo dhigay saddex codsi oo lagu dalbanayo in go’aanka laga laabto, ayaga oo ku doodaya “inuu xadgudub ku yahay xuquuqda aadanaha”.

Hani Tawfillis, oo horey ugu guul-darreystay olole doorasho isaga oo ka socda xisbiga Conservative-ka ee Canada, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in maqalka aadaanka uu dhaawacayo qalbiyada ciidamadii Canada ee Bariga Dhexe kula soo dagaalamay kooxda Dacaish.

Kulankii Arbacada ee golaha magaalada Mississauga ayaa waxaa lagu soo bandhigay mooshin kale oo lagu dalbanayo in laga laabto go’aanka lagu ogolaaday in cod sare lagu baahiyo Aadaanka.

Kooxda Canadians United Against Hate, ee la dagaalanta naceybka, ayaa ku baaqday inaan go’aankan laga laaban, islamarkaana la isku dhiibin kuwa naceybka uu ka buuxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this