Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey lacagta ay doorashooyinka Somalia ku bixinayaan iyo xilliga ay tahay inay dhacaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacagta ay ku taageereyso doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dabayaaqada sanadkan illaa horraanta sanadka dambe.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo shalay jir jaraa’id oo dhanka muuqaalka intenetka ah u qabtay suxufiyiinta Muqdisho, ayaa sheegay in qambsoomidda doorashooyinka Soomaaliya ay u diyaariyeen lix milyan oo dollar.

“Waxaan heynaa lacag aan ku caawineyno doorashada taasi oo dhan qiyaastii lix milyan oo dollar, oo 4 milyan oo ka mid ah aan hadda gacanta ku hayno,” ayuu yiri Yamamoto.

Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda, taasina ay kala hadleen madaxweynaha iyo guddiga qaran ee doorashooyinka.

“Doorashada soo socota, muhiimada waa qabashada doorashada waqtigeeda, waa inaad aamintaan tani waa midda aan kala hadlay madaxwayne Farmaajo, ra’iisul wasaraaha, gudoomiye Xaliimo Yareey iyo beesha caalamkaba, muhiimada ugu weyn waa qabashada doorashada waqtigeeda,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ah in la qabto doorasho dadka ay codeynayaan iyo in laga gudbo nidaamka qabiilka ku dhisan.

“Waxaan dooneynaa in habkii qabiilka laga gudbo, oo baarlamaanka ay dadka doortaan, markaaas wax waliba oo aad rabtiin waan idinka taageyreynaa 100 %, sababta oo ah waa doorashadiina, sidaas darteed waxaan bixineynaa taladda ugu fiican,” ayuu yiri Yamamoto.

Hadalka Yamamoto ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo, ayaga oo ku cudurdaaranaya cudurka Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this