Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo Soo Saartay Hab Cusub oo Lagula Tacaalayo Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Oo Daah furtay Hab Fududeynaya In Gurmad iyo Talooyin Caafimaad Ay Helaan Dadka Isku Arka Astaamaha COVID-19

Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Application-ka Badbaado449 (Boda Community) oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay taleefannadooda ku degsadaan kadibna ay ku raadsadaan talooyinka iyo gurmadka caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Agaasimaha siyaasadda iyo sharciyada ee wasaaradda amniga, Cabdullaahi Faarax, ayaa sheegay in Habkaan (Application-ka) cusubi uu qeyb wayn ka qaadanayo isku xirka bulshada iyo xarumaha caafimaad ee ku howlan la tacaalidda COVID-19.

Dr. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl gala xarunta isku xirka COVID-19 ee 449 ayaa sidoo kale sheegay in habka Badbaado449 uu bulshada u fududeynayo inay taleefannadooda ay si degdeg ah ugu helaan farriimaha caafimaad ee ay u baahanyihiin .

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in sida ugu habboon ay u xakameyso cudurkaan halista badan ee COVID-19, si looga nabad galo saameynta uu ku yeelanayo nolosha bulsahda.vlcsnap-2020-05-07-06h05m21s519.pngvlcsnap-2020-05-07-06h04m04s550.png

vlcsnap-2020-05-07-06h04m48s855.png

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this