Deeq A. Posted May 7, 2020 Wasaaradda caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteeda maalin-laha ah ee Covid-19 ayaa shaacisay dad hor leh oo uu soo ritay xanuunka 24-kii saac ee u dambeysay. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus laga hlay 55 qof oo hor leh, kadib baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in 41 ruux laga diiwaan-geliyey magaalada Muqdisho, halka Puntland laga diiwaan-geliyey 13 qof iyo HirShabelle oo ah 1 ruux. Waxa kale oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya warbixinteeda ku sheegtay in ay cudurka u geeriyoodeen 5 qof, halka ay ka bogsadeen illaa 19 kale. Tirada guud Covid-19 ee Soomaaliya ayaa ku dhow 1000 qof, waxaana haatan ay sii cagacageyneysaa 928 ruux, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites