Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo shaacisay kiisas badan oo Covid-19 ah iyo dhimashada oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in shan qof ay cudurka Coronavirus ugu dhinteen Soomaaliya 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Waxay sidoo kale sheegtay inay kordheen dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, islamarkaana kiisaska ay hadda gaareen 928, halka sidoo kalena dad kale ay ka bogsadeen.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in dalka laga helay 55 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 19 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dowladda ay maalin qura shaaciso inay xanuunka ka bogsadeen. Guud ahaan waxaa hadda cudurka ka bogsaday 94 qof.

55-ka kiis ee cusub ayaa 41 ka mid ah waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka qof kalena uu yahay qof jooga deegaanada HirShabelle. Wasaaradda ma shaacin halka ay joogaan 13-ka kale, inkasta oo loo badinayo Puntland oo xalay tiradaas shaacisay.

Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 55-ka bukaan ee cusub ay 37 ka mid ah yihiin lab, halka 18 kale ay yihiin dhedig.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 928 qof. Dhimashada illaa hadda waa 44 qof, waxaana bogsaday 94 qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this