Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa aanu cadaynaynaa in aanu fulin doono dhamaan qodobadii shirkii Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ayaa bayaan uu soo Saaray kaga Hadlay Colaada Deegaanka Ceel Afweyn.

Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waxa uu ku yidhi sida tan:

Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan

Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab

Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen

Waxaan leeyahay samir iyo iimaan

Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah

Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii

Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd

Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono

CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono

Dhamaan qodobadii shirkii Burco ee ay ku heshiiyeen West Burco Clan iyo East Burco Clan waxaan
Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha East Burco Clan

Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax

Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay

Beelaha biciide iyo guud ahaan East Burco Clan

Waxaan baraha bulshada ku arkaayey

Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha East Burco Clan

Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa

Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan

Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah

Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo

Ilaalinta qaranimada iyo isu tanaasulka

Wabilaahi tawfiiq

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this