Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay iska caabin kala hortageen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this