Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo gebi ahaanba mamnuucday xirashada indho-shareerka + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) –  Dowlad goboleedka Jubaland ayaa gebi ahaanba mamnuucay xirashada Indho-shareerka ama Niqaamka, iyadoona digniin adag u dirtay dadka xirta oo u badan Gabdhaha.

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa bulshada ku nool deegaanada maamulkaasi uga digtay xirashada Indho-shareerka oo ay ku sheegen inay ka dhalato khatar amni oo hor leh.

Nabad-Sugidda Jubaland ayaa aaminsan in mamnuucida xirashada Indho-shareerka looga hortagi karo khataro badan oo dhanka amniga, oo ay maleegayagaan kooxaha xagjirka ah ee weerarada ka geysta gudaha Soomaaliya.

Hay’adda ayaa digniintaasi ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook, iyada oo bulshadana ku wargelisay in xiligan adag ee dagaalka lagula jiro Coronavirus aan looga faa’iideysan xirashada niqaamka oo mararka qaar loo adeegsado fulinta falal lidi ku ah amniga.

“Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Guud ahaan Deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maaha markii u horeysay ee deegaanada Jubaland laga mamnuuco Indho-shareerka ama Niqaamka, balse waa go’aankii ugu cuslaa ee gebi ahaanba lagu mamnuucayo xirashadiisa xili lagu guddo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this