Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo mamnuucday xirashada Niqaabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa digniin adag ka soo saartay xirashada indha-shareerka dumarka ee loo yaqaan Niqaabka.

Qoraal maanta oo Khamiis ah ka soo baxay hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa loogu baaqay dadweynaha ku dhaqan Jubaland in ay ka feejignaadan xirashada indha-shareerka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in degaannada Jubaland laga mamnuucay xirashada insha-shareerka si looga hortago amni-darro ka dhalan karta gaar ahaanna in kooxaha Argagixisada ah ay ku soo dhuuntaan.

Balse Jubaland waxay sheegtay in shacabku ay xiran karaan Face mask ( fool-saab) maadaama lagu jiro wakhtigan ay sii kordhayaan kiisaska xanuunka COVID-19 ee laga helayo dalka.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo mamnuucday xirashada Niqaabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this