Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo la rasaaseeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Labo askari oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay shalay si bareer ah rasaas ugu fureen dad barakacayaal ah oo lacag ay ku Afuraan loogu soo qeybiyey degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dadka la rasaaseeyey oo tiro ahaan gaarayey illaa 22 qof oo ka soo baxay deegaanka Garasbaaley ayaa saarnaa labo gaari oo Noah ah, waxaana ay marayeen agagaarka Warshadda Caanaha, gaar ahaan qeybta soo xigta dhinaca degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyey waxaa falkaasi ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday iyo Islaan da,ah oo 70 jir ah, kuwaas oo la kala geeyey  isbitaalada Digfeer iyo Soomaali Suudaanees.

Sidoo kale magacyada labada qof ee dhaawaca ah ayaa waxaa lagu kala sheegay Xabiibo Cali Xasan iyo Maxamuud oo ahaa wiilka gaariga ku waday qoysaskaasi.

Aamino Xasan Cumar oo gaariga la rasaaseeyey wax ka saarneyd ayaa Shabelle uga warrantay, sida ay wax u dhaceen.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cc.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this