Deeq A. Posted May 7, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaare hantiyeed geystay oo maanta ka kacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa ka kacay guri ku yaalla halka loo yaqaano Efeko oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dabka uu sameeyey gooba ganacsi oo ku yaallay halkaasi. Dhinaca kale waxaa xalay dab xoogan uu ka kacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel lagu magacaabo Riham oo ku yaal isgoyskaasi. Ilaa afar dukaan ayaa dabkaasi oo isna ka dhashay Koronto ku bas beelay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi, iyadoona ay goobta gaareen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites