Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaxda iyo Hodan oo ku ballansan tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Kaxda iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa isaga hor imaan doono barnaamijka tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle.

Labad degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka D, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kaxda ayaa lugtii hore soo garaacday ama ka soo badisay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Hodan ayaa kulankii hore barabro la soo gashay dhiggeeda degmada Waabri, kadib markii ay la yimaadeen min 12 buundo.

Tartamayaasha labada degmo oo uu dhinac kasto guusha rajeynayo ayaa haatan wada diyaar garowgii u dambeeyey.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this