Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaftan Ibraahim “Waan Ku Faraxsanahay Soo Joogitaanka Kooxda Horseed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kabtanka kooxda Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed ayaa heshiisa cusub u saxiixay kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Gaadiidka uu horomar wanaagsan iyo guulo waaweyn ee la gaaray sii joogitaanka halkan uu kaga mahad celinayo maamulka ciidanka xoogga dalka ee Horseed.

0T8A7950.MOV.08_42_03_00.Still001-1024x5

Macallinka Kooxda Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha naadiga DR.Maxamed Axmed Maxamed,isagoo sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida magaca Horseed dhamaan ciyaartooydana uu la yahay saaxiib aad u dhaw.

Sequence-13.00_04_57_13.Still001-1024x76

Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay ka shaqeyn donaan horomarinta iyo kor u qaadida xirfadlayaasha u ciyaara naadiga ciidanka xooga ee Horseed.

Sequence-13.00_01_15_07.Still002-1024x76

“Waan ku faraxsanahay sii joogitaanka kooxdda Horseed waxaan rajaynayaa in aan la gaaro guulo waaweyn mustaqbalka dhaw,waxaan u mahad celinaynaa saaxiibadii iyo maamulka igu dhiiri geliyay in aan sii joogo kooxdayda” ayuu Goobjoog u sheegay kabtanka naadiga Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed

0T8A7950.MOV.08_42_03_00.Still001-1024x5

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Saxiixa Kabtanka Kooxda Horseed

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this