Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo go,aan saameynayo Soomaalida kasoo saartay xawaaladaha lacagta la isugu diro

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimadda Online) Inkastoo dadka lagu adkeynayo iney wali kala fogaadaan maadaama xaalad adag lagu jiro, hadana Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay iney sidii caadiga aheyd u shaqeyn doonaan xawaaladaha lacagta lagu diro.

Dhaq-dhaqaaqa xawaaladaha waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxeyna arintaas keentay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha si la mid ah nolosha beni’aadamka.

Ingiriiska wuxuu ka mid yahay wadamada laga helay kiisaska ugu badan COVID19, sidoo kalana waa wadanka labaad ee dadka ugu badan ay ku geeriyoodeen sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee la qoray.

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa tallaabadaan ku tilmaantay mid u ogolaaneysa dadka Soomaalida ee ku nool wadanka galbeedka yurub ku yaala iney taageeraan qoysaskooda ku nool gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in dalka uu khasaari karo 5 Bilyan oo Dollar sabab la xiriirta COVID19, hadii uusan helin kaab dhaqaale oo dibadda kaga yimaada.

Qoysas badan oo ku noo Soomaaliya ayaa ku tiirsan kaalmo dhaqaale oo kaga timaada dibadda, UK ayaana ka mid ah wadamada ugu badan oo ay Soomaalida wax ka sugaan, waxaana nolosha dadka halkaas ku nool ciriiri galiyay caabuqa Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this