Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Shabelle: Xamarjajab oo ka badisay Warta Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir ayaa xalay dhinaca dhulka u dhigtay dhiggeeda degmada Warta Nabadda, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo u dambeeyey group-ka C, is-araga labaad ee wareega koowaad, tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan, iyadoona ay labada degmo muujiyeen dadaal iyo fir-fircooni, balse waxa ay  ugu dambeyn guushu raacday tartamayaasha degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Warta Nabadda ayaa la timid 10 buundo, halka Xamarjajab oo guusha la hoyatay ay keensatay 14 dhibcood, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar.

Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka ku madlan degmooyinka Kaxda iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

Sidoo kale labadaasi degmo ayaa ku wada jira group-ka D ee wareega koowaad, tartan aqooneeda faca weyn ee Shabelle.

Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this