Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo war kasoo saartay geerida wasiir Maxamed Ibraahim

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenadiisa ayaa ka tacsiyeeyey geeridii wasiirkii wasaaradda waxbarashada maamulkaasi, Macalin Maxamed Ibraahim oo xalay ku geeriyooday wadanka Hindiya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in marxuumka uu muddo ka badan afar bilood xaalado u joogay dalkaasi.

“Madaxwaynaha Jubbaland, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geeridan xanuunka badan ee wasiirka ku timid” ayaa lagu yiri qoraalka

Allaha u naxariistee Macalin Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa wasiirada ugu saameynta badan Jubbaland, wuxuuna saaxib la’ahaa madaxweynaha maamulkaasi.

.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this