Sign in to follow this  
Deeq A.

Khabiir Ku Mashquulsanaa Helida Daawada Cudurkan Halista Badan Ee Caronavirus Oo Lagu Toogtay USA

Recommended Posts

Deeq A.   

Khabiir caan ah, kuna mashquulsanaa helida daawada cudurka Caronavirus-ka ayaa la toogtay , waxaana warkan uu noqday mid dad badan ka nixiyay si weyna u hadal hayaan Warbaahinta dalka Mareykanku

Bing Liu, oo ahaa khabiir ku xeel dheer dhanka baadhitaannada daawooyinka kana tirsanaa Jaamacadda Pittsburgh ee dalka Mareykanka ayaa lagu dhax toogtay guriga uu degnaa oo kuyaala deegaanka Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh ee Dalkaasi Maraykanka.

Saraakiisha booliiska Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in khabiirkan lagu dhax dilay gurigiisa, waxa ayna sheegeen in ay socdaan baadhitaano lagu ogaanayo cida dilkiisa ka dambeesay iyo sababta loo dilay.

Jaamacada uu katirsanaa khabiirkan la dilay ee Pittsburgh ayaa sheegay in Bing Liu uu ahaa khabiir wax badan kusoo kordhiyay cilmiga sayniska, waxa ayna Jaamacaddu sheegtay in khabiirkan ku dhawaa in uu helo daawada cudurka Caronavirus ee wakhtigan Aduunka saaqay ee cabsida nafeed ku haya.

“Wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay dr Bing Liu.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay.

Dilka loo geestay Khabiirkan ayaa kusoo aadaya xili Dhaqaatiir, Culumo iyo shirkado waa weyn dadaal badan ugu jiraan sidii loo heli lahaa daawada cudurka Caronavirus oo dad badan ku laayay dunida kuwa kalana hada la il daran yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this