Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaanu Fulinayna Heshiiskii Habarjeclo Iyo Garxajis Ee Burco” Boqor Buurmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ayaa bayaan uu soo Saaray kaga Hadlay Colaada Deegaanka Ceel Afweyn.


Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waxa uu ku yidhi sida tan:
Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan
Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab
Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen
Waxaan leeyahay samir iyo iimaan

Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah
Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii
Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd
Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono
CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono

Dhamaan qodobadii shirkii burco ee ay ku heshiiyeen West Burco Clan iyo East Burco Clan waxaan
Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha East Burco Clan
Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax
Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay
Beelaha biciide iyo guud ahaan East Burco Clan
Waxaan baraha bulshada ku arkaayey
Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha East Burco Clan
Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa
Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan
Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah

Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo
Ilaalinta qaranimada iyo isutanaasulka
Wabilaahi tawfiiq

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this