Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Ka Tacsiyadeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaalla dalka Hindiya ku geeriyooday wasiirkii waxbarashada maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Marxuumka ayaa muddo ku siman 4 bil waxa uu la xanuusanayay xanuunka Kansarka oo madaxa ka hayay balse xalay fiidkii ayuu ku geeriyooday mid ka mid isbitaallada ku yaal dalkaasi Hindiya.

Geerida Maxamed Ibraahim Maxamuud wasiirkII  waxbarashada Jubbaland ayaa waxaa durbadiiba ka tacsiyadeeyay madaxda sare ee Jubbaland sida madaxweynaha ku xigeenkiisa golaha wasiirada iyo xildhibaanada maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa shaqsigii ugu haldoorsanaa ee maamulkiisa isaga oo dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay tacsi u diray waxa uuna tilmaamay in Jubbaland ay gali doonto maalmo baroor diiq ah.

Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay isku day doonaan sidii meydka marxuumka loo keeni lahaa dalka iyada oo ay xusid mudan tahay saameynta adage e Coronavirus taas oo hoos u dhigi kara soo qaadista Allaha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this