Sign in to follow this  
Deeq A.

Pentagon-ka oo qirtay in 132 qof oo rayid ah ku dileen dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa warbixin ku qirtay in 132 qof oo dad rayid ah ay ku dileen dalal ay Soomaaliya ku jirto oo ay hawlgallo Militari ka sameynayeen tan iyo sanadkii 2019.

Sida warbixinta lagu faah-faahiyay wadamada Ciraaq, Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya waxaa lagu dhaawacay 91 qofood oo rayid ah, qoraalkaan ayaana ku jiray warbixin sanadeedka ay soo saarto Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ee lagu faah-faahiyo wax walba oo ku saabsan hawlgaladda ay sameeyaan.

“Hawlgalladda Miltari ee ay Mareykanka ka sameeyeen yemen iyo Liibiya sanadka 2019 lagama soo sheegin wax khasaare ah kadib qiimeyn ay sameeyeen waaxda Difaaca Mareykanka” ayaa lagu sheegay warbixintii lasoo saaray.

Waxaaa lasii raaciyay: “Wax walba oo ku saabsan Hawlgalladda Miltari ee Mareykanka sanadka 2019 waxaa loo fuliyay si waafaqsan sharciga dagaalka, waxaa la ilaaliyay sharciga dadka rayidka ah si hoos loogu dhigo waxyeellada”

Wadanka qaaradda Asia ku yaalla ee Afgaanistaan ayaa laga soo diiwaangaliyay waxyeelada ugu badan oo ay Mareykanka u geysteen dadka rayidka ah, 108 qofood ayey ku dileen halka 75 kalana ay dhaawac u geysteen sida lagu xaqiijiyay warbixinta.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay warbixintaan taabatay waxaa lagu dilay laba qofood, sidoo kalana saddex kale ayaa lagu dhaawacay sida ku cad warbixinta Wasaaradda ay soo saartay, waxaana sidoo kale lagu xusay in 22 qof oo rayid ah lagu dilay, 12 kalana lagu dhaawacay wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilka dadka shacabka ah loogu geystay gudaha Soomaaliya, balse hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee qaaradda Afrika ayaa mareykanka ka dalbaday iney bixiyaan magdhaw.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Mareykanka oo ay la dhinac yahiin dhawr kale ayaa ka dalbaday dowladda Mareykanka iney jawaab cad ka bixiso duqeymaha ay dadka rayidka ah ku dileen ee ka dhacay dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this