Deeq A. Posted May 7, 2020 Wasiirkii Waxbarashada dowlad goboleedka Jubaland Macalllin Maxamed Ibraahim ayaa dalka Hindiya ku geeriyooday sida uu xaqiijiyay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in marxuumka uu magaalada Xaydar-abaad ee waddanka Hindiya ugu geeriyooday xanuunka Kansarka oo madaxa ka haleelay islamarkaana halkaas mudda lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad. Madaxweyne Axmed Madoobe wuxu amaanay taariikhda marxuumkaas oo sida uu sheegay laf-dhabar u ahaa jiritaanka dowlad goboleedka Jubaland islamarkaana xaalado adag la soo shaqeeyay maamulkiisa gaar ahaanna wakhtiyadii Al-shabaab laga xoraynayey magaalada Kismaayo. Sidoo kale madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna geerida marxuumkaas Macalllin Maxamed Ibraahim uga tacsiyeeyay maamulka Jubaland iyo dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Waxbarashada Jubaland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites