Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/BANAADIR oo amarro ganaax lacageed wata kusoo rogay shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro cusub oo la xariira nadaafadda gobolka Banaadir, iyadoo cidii fulin weysa amaradaas lagu ganaaxi doono lacag dhan $10.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka, isla markaana uu warbaahinta u akhriyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa lagu socodsiiyey dhamaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo inta badan waaxyaha kala duwan ee maamulka gobolka ayaa lagu war geliyey in uu bilaabanayo barnaamij loogu magac daray dardar gelinta nadaafadda magaalada Muqdisho.

Wareegtadan kasoo baxday maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in nadaafad xumo baahsan ay ka jirto gobolka Banaadir, taas oo sida lagu xusay warbixinta maamulka gobolka wax badan u dhimeysa bilicda magaalada, isla markaana keeni karta halis soo wajahda bulshada ku nool, sida cudurrada faafa.

Wareegtadan ayaa dadka reer Muqdisho lagu faray in qof kasta uu gurigiisa hortiisa saaro Intar loog ama dhagacda is-gasha, sidoo kalena ay soo celiyaan bilicda guryaha iyo goobahooda ganacsi, si loo muujiyo bilicda caasimadda Muqdisho, iyadoo cidii aan fulin uu sheegay maamulka gobolku in uu qaban doono ganaax lacageed oo dhan 10 dollar.

Sidoo kale maamulka gobolka ayaa faray waxdiisa maamulka dhulka qeybteeda dhismaha ee dowladda hoose ee Xamar, in dadweynaha fulinaya amarka bilic soo celinta aysan wax lacag ah ka qaadi karin inta laga gaaro Ciida Soom-fur.

“Si loo dar-dar geliyo in magaalada Muqdisho laga nadiifiyo qashinka waxaa la farayaa shacabka degan xaafadaha Muqdisho iyo goobaha ganacsiga, inay iska diiwaan geliyaan shirkadaha qaada qashinka ee ka howlgala dhamaan xaafadaha Muqdisho, xaafadii ama goobtii ganacsi ee aan iska diiwaan gelin shirkadahaas ee qashin ku daadisa goob aan loogu tala gelin, waxay muteysan doontaa ganaax lacageed oo dhan 500 oo Shilin Soolaamli ah” ayaa yiri afhayeenka gobolka Banaadir.

Halkan ka Daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this