Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Kiisaska Xanuunka COVID-19 oo sii kordhaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xalay shaacisay in 13 bukaan oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 kadib baaritaan shalay lagu sameeyay dad gaaraya 23  ruux.

Dadka xanuunka laga helay ayaa 10 kamid ah ku suganyihiin magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland halka saddexda kalena ay joogaan degmada Waaciye ee gobolka Karkaaar.

11 kamid ah bukaannadaas waa lab halka labada kalena ay dheddig yihiin sida laga soo xigtay warbixinta wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay gudaha Puntlan ayaa haatan gaartay 51 kiis oo ay ku jiraan marxuum u geeriyooday cudurka iyo mid ka bogsaday.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Kiisaska Xanuunka COVID-19 oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this