Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xoog leh oo qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa ka kacay goor dhaweyd dab xoog leh oo illaa hadda kusii fidaya dhul hor leh.

Dabka ayaa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka isgoyska, waxaana ku bas beelay dukaamo iyo carwooyin waaweyn oo ku yaalay halkaas.

Si rasmi ah looma oga sababta dhalisay dabkaas oo hada kusii fidaya goobo hor leh, kuwo kalena burburiyey.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in cabsi laga qabo inay adkaato deminta dabkaas oo ay sheegeen in uu ku socdo si xowli ah.

Gaadiidka dab-demiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu dabkaasi ka kacay ee isgoyska Banaadir, waxay shaqaalaha gobolka ee dab-demisku la tacaalayaan demintiisa.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this