Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad wasiiro ka tirsan Galmudug ka qaadi laheyd Muqdisho oo muddo la xayiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa muddo saacado ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu xanibay diyaarad yar oo ay raaci lahaayeen wafdi heer maamul ah oo u socday Galmudug.

Sida la xaqiijiyay wafdigaas waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo qaar ka tirsan Wasiiradda cusub ee maamulka Galmudug uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Diyaaradda waxey kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb, waxeyna qaadi laheyd xubno ay ku jiraan Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug, Cabdinaasir Gelle oo isna helay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Xubno kale.

Wararka waxey sheegayaan in Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Muqdisho uu diiday iney diyaaradda ay hawada gasho, iyadoo ogolaansho ka heysatay Hay’adda duulista Hawada, balse isaga uu sheegay inaan lagu soo wargelin ogolaanshahaas.

Muddo xayiraad ah kadib, diyaaradii ayaa loo ogolaaday iney ka dhoofto garoonka Aden Adde, iyadoo maamulka garoonka ay arrinta soo faragaliyeen maadaama aysan jirin sabab loo hor istaagi karo diyaarad amar ka heysata Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Ma jiraan diyaarado rakaab ah oo isaga kala goosha dalka maadaama loo xanibay sababo la xiriira faafista cudurka Coronavirus, balse waxaa jira diyaarad u kireysan hay’adaha dowliga ah iyo mas’uuliyiinta kuwaas oo hawlo gaar ah ugu amba-baxa gobolada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this