Deeq A. Posted May 6, 2020 Taliyaha ciidamada Asluubta, Sa/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Shabelle oo u dabaal dageyso sanad guuradeeda 18-aad oo maanta ku beegan. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in muddo dheer ay Shabelle u soo shaqeyneysay Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo lagu jiray xilli adag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Idaacadda Shabelle iyo taliska Asluubta Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo xiriir wada shaqeeneed oo aad u wanaagsan. Ugu dambeyn taliyaha ayaa maamulka iyo shaqaalaha Shabelle kula dardaarmay inay xoojiyaan shaqada adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Faadumo-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites