Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Asluubta oo hambalyo la wadaagay Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Asluubta, Sa/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Shabelle oo u dabaal dageyso sanad guuradeeda 18-aad oo maanta ku beegan.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in muddo dheer ay Shabelle u soo shaqeyneysay Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo lagu jiray xilli adag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Idaacadda Shabelle iyo taliska Asluubta Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo xiriir wada shaqeeneed oo aad u wanaagsan.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa  maamulka iyo shaqaalaha Shabelle kula dardaarmay inay xoojiyaan shaqada adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed..

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Faadumo-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this